Kondoom

Kondom (Gal/ bac)
Waa dhululubo dhuuban oo isku laabmi karta, waxaana laga sameeyey dhacaan geed ama geed Caanahiis. Meehu ku dhammaado waa guntan tahay ama waxay leedahay meel biyo qabad leh, si ay u celiso shahwada. Galka/ bacda ma laha midib oo aragu waa ka gudbo ama wuxuu lee-yahay midib casaan barxan. Wuxuu yeelan karaan xayr ama saliid iyo aashito shahwo ay warshadi sameeysey. Galka/ bacda ka samaysan dhacaanka geedaha ( sida dhacaanka geedka beeyada) waxaa la haysan kara shan sano haddii si wacan loo soo xirey oo laga ilaaliyey neefi inay gasho, waana in lagu hayo meel qabow (ma aha cadceeda ama meel u dhow meel kulul, sidoo kale boorsada lacagta la geshto ama ma aha in lagu qariyo baabuurka dhulkiisa hoose meesha cagaha la dhigto).

Kondom. Informationsmaterial.