Qaaxada
Waa maxay qaaxada
(tuberculosis-TB)?
Qaaxada (tuberculosis), oo
xittaa loogu yeedho TB, waa
cudur infekshan leh ee uu
keeno baktiiriyada
(jeermis) loo yaqaan
Mycobacterium tuberculosis.
TB-ga caadiyan waxaa uu
saameeyaa sambabaha
(TB-ga sambabaha - pulmonary
TB) balse sidoo kale waxaa
uu saameyn karaa xubin kasta
ee jidhka
ka mid ah. TB-ga badanaa waa
la daweyn karaa iyadoo la
isticmaalayo antibiyootiko
laga helo dalalka
sida Mareykanka.
Sidee buu TB-ga ku
faafaa?
TB waxaa uu ku faafaa marka
qof TB-ga sambabaha qaba uu
qufaco. Baktiiryada timaada
qofka
sambabihiisa ayaa hawada
gasha, waxaanna ay gali
kartaa sambabaha qofka kale.
TB-ga ma sito
infeshan aad u weyn; aad bay
uga dhib badan tahay si lagu
qaado marka loo barbar dhigo
durayga.
Caadiyan muddo dheer ah waa
in aad ka ag dhawaataa qofka
qaba TB-ga si aad u qaado.
Ma ahan
suuragal in TB-ga aad ka
qaado koob aad la
isticmaasho qof TB-ga qaba
ama taabashada albaab uu
isticmaalay qof TB-ga qaba.
Sidoo kale, mar haddii qof
TB-ga qaba uu dawo
qaadanayo, islamarkiiba
waxaa uu noqonayaa qof aan
cudurka gudbin karin. Dadka
dawooyinka qaata durbadiiba
hawlahoodii
caadiga ahaa ayeey ku soo
laaban karaan iyadoo aan
looga cabsi qabin in ay dad
kale TB-ga u
gudbiyaan.
Waa maxay calaamdaadka TB-ga
la qaado?
Calaamaadkani muddo asbuucyo
ah ayeey qaadanayaan in ay
ku soo baxaan. Calaamaadka
caadiyan la yaqaan waxay
kala yihiin:
- qufac (caadiyan socda in
ka badan 3 asbuuc)
- dhiig ama xaako la qufaco
(phlegm ka yimaada sambabaha
gudahood)
- xanuun shafka ah
- daal
- miisaan dhaca
- xummad
- dhidid habeenkii
Sidee loo daweeyaa
cudurka TB-ga?
Si loo daweeyo TB-ga gudba,
intibiyootik dhowr ah ayaa
ah in la qaata muddo
caadiyan u dhaxeysa 6
bilood ilaa iyo sanad. Si ay
daawadani u shaqeyso waa
muhiim in si joogta ah
daawada loo
dhammeystaa. Daawada muddada
dheer waa muhiim waayo waa
ay dhib badan tahay jidhka
in laga
baabi'iyo baktiiryada TB-ga.
Waa maxay infekshanka TB-ga
sideenna loo daweeyaa?
Infekshanka TB-ga micnihiisu
waa iyadoo uu qofi qabo
baktiiryada jidhkiisa
jiifta. Ma bukaan ama ma
gudbiyaan waayo baktiiryada
ayaa jiifta. Infekshanka
TB-ga waxaa lagu gaartaa
marka qofka natiijada
baaritaanka maqaarkiisu
noqoto mid xaqiijisa
(positive) balse raajada
shafka ay caadi tahay oo aan
