Xogteena

Warbixin ku saabsan KCS
Ururka KCS wuxuu ka shaqeeyaa horumarinta caafimaadka dadka ku soomaliyeed ee ku suga dalka Iswiidhan. Ula jeedada shaqadeena waxay tahay in warbixin ku saabsan caafimaadka la siiyo dadka ku sugan Iswiidhan, habka warbixintana waa hab wacyigelin oo ku saabsan:
- Hiv/aids iyo cudurada galmada ku faafa (CGF)
- Gudniinka dumarka
- Ka hortagga uurka
- Buuqa guriga ka dhaca
- Isticmaalka maan-dooriyayaasha sida qaadka
- Cudurka dhimirka

Ururku wuxuu ka mid yahay gudiga qaranka ee ka hortagga cudurka Aydhiska.
Xubnaha guddiga:
Xubnahaan waxaa cayimay hoggaanka bulshada ee Sweedhan, waxayna ka kala yimaadeen qaybaha dowladda iyo ururu madax banaan. Ulajeedadooduna waa hakinta faafinta cudurka Aydhiska.
Ann-Cristine Jonsson (kuliyda caafimaadka bulshada)
Jan Albert (kuliyadda ka hortagga cudurada faafa)
Anna Wessel (hoggaanka qaxootiga)
Agneta Nilsson (qaybta horimarinta skuulada dowladda)
Sven-Åke Larsson (gobolada swiidhan iyo qaybaha caafimaadka)
Ingvor Bjugård (SKL)
Gibril Musesultan (Kooxda caafimaadka soomaliyeed)
Inger Forsgren (Hiv-Sweden)
Johan Carlson (Hogaanka bulshada)

ku meel gaaarayaasha:
Ulrika Westerlund (Riksförbundet för sexuellt likaberättigande, RFSL)
Maria Andersson (Riksförbundet för sexualupplysning)
Jan-Olof Morfeldt (Noaks Ark-Röda korset)